Ireland ayaa ku jirta xaalad la yaab leh taas oo ay doonayso in laga badiyo si ay fursad ugu hesho u soo bixista tartanka Euro 2024.
Xulalka yurub ayaa ku jira gaba-gabada kulamadii is reeb-reebka ee tartanka xagaaga dambe ka dhici doona dalka Germany.
Waxa jira xulal haatanba xaqiiqsaday booskooda wareega Group-yada halka ay xulal kale wali u dagaalamayaan sidii ay ugu soo bixi lahaayeen tartanka xitaa hadii ay noqoto kulamada kala baxa ah ee loo galayo tartanka.
Kadib guuldaradii ka soo gaadhay xulka Greece, Ireland ayaan haysan fursad ay si toos ah ugu soo baxdo tartanka.
Si kasta ha ahaatee xulka Ireland ayaa fursad yar u haysata in ay u soo baxdo tartanka Euro 2024.
Si ay Ireland u ciyaarto kulamada kala baxa ma ahan in ay jiraan wax ka badan 7 xul oo ka sareeya dhinaca qiimaynta UEFA ee xulalka.
Xulka Netherlands ayaa ka mid ah xulalka ka sareeya Ireland dhinaca qiimaynta UEFA Sidaas darteed xulka Ireland ayaa rajaynaya in ay guuldaro kala kulmaan xulka Netherlands si ay ugu soo baxaan maadama ay Xulka Greece ka sareeyaan dhinaca qiimaynta.