Xulka qaranka somaliya ee 15 jirada ayaa guuldaro ku bilowday tartanka Cecafa U-15 iyaga oo guuldaro kala kulamay xulka Tanzania.
Kulanka ayaa ahaa mid uu xulka Somaliya isku dayay in uu ciyaaro weeraro rogaal celis ah oo ay doonayeen in ay ku dhaliyaan goolal.
Dhinaca kale xulka qaranka Tanzania ayaa maamulayay ciyaarta iyaga oo xulka Somaliya kaga awood badnaa.
Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah iyada oo ay labada xulba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.
Labada xul ayaa qaybtii dambe si dar-dar leh ku bilaabtaan ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan gool.
Xulka qaranka Qaranka Tanzania ayaa dhalisay goolka qaybtii dambe waxana ay ciyaarta ka dhigeen 1/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Somaliya ku bilowday guuldaro tartanka Cecafa U-15