Rodrigo Lasmar, madaxa caafimaadka xulka qaranka Brazil, ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee xiddiga kooxda Arsenal ee Gabriel Jesus.
Jesus ayaa looga yeedhay waajibaadka xulka qarankiisa inkasta oo uu dhaawac soo gaadhay kuna seegay kulamadii ugu dambeeyay ee kooxda.
Lasmar oo ka hadlaya xaalada Jesus ayaa yidhi”“Waxaan la hadli doonaa dhakhaatiirta iyo Arsenal”.
“Ma uusan sameyn wax tababar ah, wuu ka fog yahay soo laabashada waxa jira xidhiidh xulka dhexdiisa ah”.
Aan u raadino kan ugu fiican, wax walba iyo waliba waxa u fiican ciyaaryahanka”.
Jesus ayaa dhaawacmay dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay, mana uusan ciyaarin tan iyo kulankii Champions League ee Sevilla ee Spain.