Waxaa isisoo tareysa xogta laga helayo qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee shalay ka dhacay magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, qaraxaas ayaa sidoo kale burburiyey goobo ganacsi iyo guryo aad u badan.
Shacabka ku nool magaalada Buuloburde oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ciidamada dowladda uga mahad celiyey sida ay u yareeyeen khasaarihii ay Shabaab doonayeen inay qaraxaas ku geystaan.
Ciidamada ammaanka oo helay xogta gaariga qarxay ayaa rasaas kala hor tegay, balse waxaa suurta-geli weysay in la dilo ninkii waday gaariga ee doonayey inuu is-miidaamiyo, taas oo fududeysay in shacab badan ay ka cararaan goobtii uu qaraxu ka dhacay.
Saraakiisha ciidamada ammaanka oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Buuloburde ayaa sheegay in qaraxaas intii ay ku howlanaayeen fashilintiisa ay ku geeriyoodeen qaar ka mid ah askartii howlgalka ku jirtay kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Kooxda Al-Shabaab oo mudooyinkaan dambe qaraxyada ku soo rarta gaari aysan xabadu karin ayaa gaarigii shalay ku qarxisay suuq ay bulsho badan ku ganacsato oo ku yaalla bartamaha magaalada Buuloburde, waxaana ku dhintay ugu yaraan 4 qof, 7 kalena waa ku dhaawacmeen.
Dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaas ayaa isugu jiray shacab laga xusay Hooyo iyo cunugeeda oo ku dhintay iyo askar ku howlaneed fashilinta qaraxa oo dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray.
Khasaaraha waxaa yareeyey ciidamada oo u digay dadkii joogay suuqa uu soo dhex-galay gaarigii qarxay, sidoo kale ciidamadu inta uusan dhicin qaraxaas waxay isku howleen inay dilaan ninka naftiisa haliga ahaa ee gaariga waday, kaas oo ugu dambeyntii suuqa soo dhex istaagay, iskuna qarxiyey.
Maadaama dadkii ku ganacsanayey suuqa ay ka kala carareen qaraxa, waxaa goobta ka dhashay burbur hanti oo aad u badan, waxaana dumay dhammaan goobihii ganacsiga iyo guryihii ku yaalla aagga uu qaraxaasi ka dhahay.
Jimcihii shalay kooxda Al-Shabaab ayaa dhowr goobood qaraxyo ka geysatay, waaberigii hore laba qarax ayey looga fashiliyey duleedka Dhuusamareeb, halka isla Jimcihii qarax kale lagu fashiliyey duleedka Xarardheere, waxaa xiga midka Buuloburde oo ciidamadu ay aad ugu dadaaleen inay fashiliyaan, balse u suurta geli weysay, in kastoo bulsho badan laga saaray suuqa uu ka dhacay, si loo yareeyo khasaaraha.
Dadka ku nool magaalada Buuloburde ayaa dowladda federaalka iyo maamulka HirShabeelle ka codsaday in loo soo gurmado, maadaama qarax lagu burburiyey inta badan goobihii ganacsiga iyo suuqii ugu weynaa ee magaalada.