Xoghayaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir mudane Faysal caraale oo maanta shacab magaalada Muqdisho kala qeyb galay Duco iyo xus loo sameeyay Shuhadadii ku naf-waayay dhacdooyinkii murugada lahaa ee 14-October 2017 & 29-October 2022 ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, taasi oo ay koox yar ee haraadiga yar ah ee arxan laawasha ah AS ku xasuuqeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan oo isugu jiray Waayeel, Caruur, Haween iyo Dhalinyarro.
Isku soo baxa ee loogu duceenayay Shuhadada ayuu kahadlay Xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir mudane Faysal caraale oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay “” alle ha unaxriisto shuhadadii ku geeriyotay halkan , waxaa muhiim ah in aaf kaalin weyn kaqadataan sidii loo ciribtiri lahaa kooxda arxan laawasha ah AS
Waxaa lajogaa waqti la ciribtiri lahaa waxaan leyahay ka qeyb qaata Dagaalka Sifeynta ah ee lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta ee ka socda guud ahaan dalka, kaasi oo uu hormuud u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaan gaari doonan dalkeena oo nabad ah iyo dadkeena oo barwaaqo kunool insh alh. “”