Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa shaacisay safarka xoghaye Anthony Blinken uu khamiista berri ah ku tagayo Magaalada Tel Aviv ee Caasimadda u ah Israaiil si uu madaxda Yuhuudda ugu sheego taageerrada ay u heli karaan.
Xogahayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Anthony Blinken ayaa kahor inta uusan safarkaan qorsheyn waxa uu xiriir telefoon la sameeyay waddamo badan oo carabta heshiiska horay ula gashay Israaiil u badan.
Mareykanka ayaa si toos ah u sheegay in uu Israaiil ku garab taagan yahay dagaalka ka dhanka ah Falastiin gaar ahaan Xamaas, Washington ayaa raadineysa isbahaysi xooggan oo ku duullaan ka tegi karto haddii looga maarmi waayo in dagaalkaas ay qayb ka noqoto.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Matthew Miller ayaa safarka Xoghaye Blinken ku sheegay mid lagu muujinayo dhinac istaagga Israaiil si looga yareeyo culeyska saaran waa sida uu hadalka u dhigay.