Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo waxii uu ka waayay Dhuusa-mareeb ka helay Maxaas.
Siyaasiyiinta waxgaradka beesha Xawaadlle ee ku sugan degmada Maxaas ayuu Madaxweyne Xasan Shiikh kulan ku aadan dar-dar gelinta howlgalka ka dhanka ah Argagaxisada kula qaatay degmada Maxaas.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dalbaday in tabashooyinka siyaasiga ah ee jira meel la iska dhigo loona midoobo dhameestirka dagaalka Argagaxisada looga ciribtirayo Hirshabelle iyo Galmudug.
Dhammaan Siyaasiyiinta beesha Xawaadlle ee madaxweyne la kulmay ayaa Madaxqeyne Xasan Shiikh Maxamuud aqbalay codsigiisa waxa aayna u ballan qaaday in garab ku siinayaa ciribtirka Argagaxisada.
Sida ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ku waramayaan waxaa jira heshiisyo iyo kulamo dhaxmaray Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Guddoomiyahii hore Gobolka Cali Jeyte Cismaan madaxweyne Xasan ayaa hoggaamiye Jeyte ku qanciyay in kaalin hoggaamin ah uu ku qaato uu howlgalka,isla markaana uu isku duba rido ciidanka deegaanka.
Sida muuqata Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxii muddo bil uu ka waayay beelaha dega Galmudug waxuu wax ka yar Shan cisho uga helay beelaha degan Hirshabelle gaar ahaan gobolka Hiiraan,taasi oo aheyd in dadka deegaanka howlgalka ka qeyb qaataan,siyaasiyiintana howlgalka u midoobaan.
Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta soo gaba gabeyn doona safarkiisa degmada Maxaas,waxaana degmada Maxaas dhawaan ka ruqaansan doono ciidamada deegaanka ee beelaha Xawaadlle iyo Murusade oo garab ka helaya ciidamada dowladda Soomaaliya.