Waxa caawa la isku diyaarinayaa xaflada Ballon d’Or-Ka oo ka dhacaysa dalka France gaar ahaan caasimada Paris.
Xiddigo badan ayaa ku tartamaya abaalmarinta inkasta oo cida ku guulaysanayso la sii saadaalin karo.
Liis 30 xiddig ay ayaa ka mid ah liiska xiddigaha u tartamaya abaalmarinta iyada oo xiddigaha Messi, Haaland iyo Mbappe ugu cad-cad yihiin.
Si kasta ha ahaatee kala badh xiddigaha ku jira liiska Ballon d’Or una tartamaya abaalmarinta ayaa markii ugu horaysay ka soo muuqday liiska xiddigaha u tartamaya.
15 xiddig oo ka mid ah xiddigaha ku jira Liiska 30-ka xiddig ee u tartamaya abaalmarinta ayaa markii ugu horaysay ka soo muuqday Liiska.
Halkan kaga bogo xiddigahaas:
- Julian Álvarez
- Jude Bellingham
- Yassine Bounou
- Ilkay Gündogan
- Josko Gvardiol
- Kim Min-jae
- Randal Kolo Muani
- Khvicha Kvaratskhelia
- Emiliano Martinez
- Jamal Musiala
- Martin Ødegaard
- André Onana
- Victor Osimhen
- Rodri
- Bukayo Saka