Portugal ayaa ku dhawaaqday in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Matheus Nunes uu ka baxay xulka qaranka Portugal sababo la xiriira dhaawac.
25-sano jirkaan ayaa markii hore loo doortay kooxda Roberto Martinez ka hor isreebreebka Euro 2024 oo ay la ciyaarayaan Liechtenstein iyo Iceland shanta maalmood ee soo socota.
Si kastaba ha ahaatee, Nunes ayaa “lagu dhawaaqay in uusan caafimaad ahaan taam ahayn” ka dib markii ay baaritaan lagu sameeyay waxana laga saaray Liiska xulka.
Portugal ma aysan sheegin dhaawaca Nunes, laakiin wararka ayaa sheegaya in ciyaaryahanka khadka dhexe uu soo gaaray dhibaato muruqa ah taasoo ku qasabtay inuu seego tababarkii Arbacadii.
Nunes, oo 11 jeer u saftay Portugal, ayaa la filayaa inuu ku laabto Manchester oo uu la midoobo inta kale ee kooxda City ee aan ku jirin waajibaadka caalamiga ah oo uu bilaabo inuu ka soo kabsado dhaawaca.