Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Jorginho ayaa qirtay inuu aad u jecel yahay inuu ku laabto Italy xilli qandaraaskiisa uu sii dhamaanayo.
31-sano jirkaan ayaa Arsenal ugu soo biiray bishii lacag dhan 12 milyan oo euro suuqii January waxana uu qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan, inkastoo la rumeysan yahay inuu jiro dookh uu ku kordhin karo sanad kale.Jorginho ayaa si joogta ah uga dhex muuqday kooxda Mikel Arteta, isagoo 23 jeer ka ciyaaray Premier League, halka afar ka mid ah sagaal kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan uu ku soo bilowday.
Xiddiga reer Italy ayaa inta badan loo dhiibay masuuliyada kabtanimada kooxda Arsenal marka uu maqan yahay xiddiga Martin Odegaard.
Jorginho oo ka hadlayay intii uu ku guda jiray waajibaadka qarankiisa ayaa sheegay in uu wali aad ugu faraxsan yahay Arsenal laakiin waxa uu daaha ka qaaday in uu rajaynayo in uu maalin uun ku laabto Italy isaga oo ka tagay dalka kuna biiray kooxda chelsea 2018-kii.
Wuxuu yiri: “Shaki badan ayaa igaga jira, waxaan jeclaan lahaa inaan ku laabto Italy, laakiin ma garanayo waqtiga saxda ah, waxaan rabaa inaan ku laabto haa, laakiin ma garanayo goorta, waxaan dareemayaa inaan wali heshiis kula jiro Arsenal”