Tababaraha Barcelona Xavi ayaa si maldahan u sheegay in Robert Lewandowski uu ku sii dhawaanayo ka soo laabashada dhaawaca iyadoo oo uu taam u noqon karo kulanka El Clasico ee dhamaadka bishan.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Poland ayaa qaab ciyaareed xoogan ku jira xilli ciyaareedkan kooxda heysata horyaalka La Liga, isagoo dhaliyay lix gool, waxaana uu diiwaan geliyay afar caawin 10 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Lewandowski ayaa ka maqnaa kulankii Granada ka hor fasaxa caalamiga ah, kadib dhaawac canqowga ah oo uu ka soo gaaray tartankii Champions League ee Porto ee October 4.
35 jirkaan ayaa mar kale ka maqnaan doona kooxdiisa kulanka Athletic Bilbao ee axada, laakiin waxaa jiray warar sheegaya inuu soo laaban karo kulanka Real Madrid ee 28ka October.
Mar wax laga waydiiyay horumarkiisa, Xavi waxa uu sheegay in weeraryahanka “uu leeyahay dareen aad u wanaagsan”, isagoo soo jeediyay in uu soo laaban karo kulanka El-Clasico.
“Waxa uu leeyahay dareen aad u fiican, waa hogaamiye weyn, mar walbana hore u socda, waxa uu doonayaa in uu ciyaaro, waxa uu dareemayaa xanuun ka yar midkii hore”ayuu Xavi yidhi.