Kadib suuqii xagaaga ee cajiibka ahaa kooxaha reer yurub ayaa il gaar ah ku haya horyaalka sucuudiga.
Xitaa tartamada yurub ayaa doonaya in ay tartamadooda ku marti qaadaan xiddigaha ka ciyaara horyaalka sucuudiga.
Arinta xiisaha leh ayaa ah in Ronaldo uu si lama filaan ah ugu soo laaban kara tartanka uu ugu goolasha badan yahay.
Sida laga soo xigtay saxafiga AlHarbi44,UEFA ayaa ka fikiraysa in Ronaldo iyo Al-Nassr ay ku casuumaan tartanka Champions League 2024/2025.
Sababta ka danbeysa soo jeedintan ayaa la sheegay in ay salka ku hayso in horyaalka sucuudiga uu ka mid yahay horyaalada ugu caansan isla markaas yurub ku leh taageerayaal aad u balaadhan.
In kasta oo UEFA aysan si rasmi ah uga hadlin hadana waxa suurtagal in ay dhacdo marka la eego in is badal weyn laga samayn doono tartanka xilli ciyaareedka.