Waa cusub ayaa ku soo wajahan Manchester United, iyadoo Sir Jim Ratcliffe uu qarka u saaran yahay inuu dhameystiro heshiiska uu ku iibsanayo boqolkiiba 25 saamiga kooxda Premier League.
Shirkada INEOS ee Ratcliffe ayaa la filayaa in ay ku bixiso lacag dhan £1.25 bilyan saamiga laga tirada badan yahay ee kooxda.
Shirkada INEOS ayaa haatanba leh milkiyada kooxda reer France ee Nice, kooxda Swiss Super League ee FC Lausanne-Sport waxayna la shaqaysaa naadiga Racing Club Abidjan, ee Ivory Coast Ligue One.
Nice ayaa hadda ku jirta kaalinta labaad ee Ligue 1, iyadoo hal dhibic oo kaliya ka hooseysa kooxda hogaanka heysa ee PSG, waxaana ay ku dhowdahay inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
Guusha ay gaareen ayaa su’aal ka keentay in labada kooxood ee Nice iyo United ay labadooduba awood u yeelan karaan inay ka qayb galaan champions League xilli ciyaareedka dambe marka uu Ratcliffe dhamaystiro heshiiska hadii ay labada kooxood u soo baxaan tartanka champions League.
UEFA waxay leedahay sharciyo ka mamnuucaya kooxaha tartamada xilli kasta haddii milkiilayaasha ay ‘saamayn muhiim ah’ ku leeyihiin laba kooxood.
Qodobka 5-aad ee xeerka tartanka naadiyada ee UEFA ayaa la xidhiidha hufnaanta tartanka iyo lahaanshaha kooxaha badan, iyadoo xeerku uu mamnuucayo in laba kooxood oo ay isku qof ama koox maamulaan ayna ku tartami karin hal tartan.