Sheikh Jassim Bin Hamad Al Thani ayaa ku fikiraya inuu iibsado koox kale halkii uu ka iibsan lahaa Manchester United, sida la sheegay.
Waxaa laga joogaa 11 bilood tan iyo markii qoyska Glazer ay suuqa dhigeen kooxda taas oo keentay in loo tartamo iibsigeeda.
Inkastoo dhowr dalab oo kala duwan ay ka heleen bangiga Qatar Sheikh Jassim iyo INEOS bilyaneer ku jira batroolka Sir Jim Ratcliffe, oo labaduba la sheegay inay kooxda ku qiimeeyeen in ka badan 5 bilyan, Glazers ayaa wali diidan in ay iibiyaan kooxda.
Iyadoo la sugayo go’aanka milkiilayaasha Mareykanka, Wargayska Tuttomercatoweb ayaa soo wariyay in Sheikh Jassim laga yaabo inuu hadda indhaha ku hayo kooxda Serie A ee Inter.
Inter Milan oo gaadhay Final-ka tartanka champions League ayay haatan leeyihiin milkiilayaasha Steven Zhang kaas oo ah milkiilaha ugu da’da yar.