Chelsea ayaa wajihi karta in dhibco laga jaro sida mulkiilihii hore ee Roman Abramovich uu u maalgaliyay guulaha kooxda intii uu mulkiyada kooxda lahaa.
Faylasha la soo bandhigay ayaa shaaca ka qaaday lacago sir ah oo isdaba joog ah oo laga yaabo in ay jabiyeen sharciyada adag ee kubada cagta, oo ay ku jiraan kuwa ku saabsan dhaqaale wanaaga.
Dambiga Abramovich waxaa daaha ka qaaday majaladda Guardian iyo saaxiibada caalamiga ah, iyadoo khubaradu ay saadaaliyeen ciqaabta ka dhalan karta Chelsea.
Khubarada ayaa ku andacoonaya in macaamilka sharci darrada ah uu horseedi karo in Premier League uu dhibco ka jaro Chelsea.
Dhaqaalaha Chelsea waxaa haatanba baaraya Premier League baaritaan socday 2012 ilaa 2019.
FA-ga ayaa u xaqiijiyay Guardian in ay sidoo kale baarayaan Chelsea halka UEFA ay horay ugu ganaaxday kooxda 8.6 milyan oo euro.