Waxa la ciyaaray kulamo xiiso leh oo premier League ah iyada oo ay kooxo badan wacdaro dhigeen.
Kooxaha Man United iyo Man City ayaa laga badiyay iyaga oo guuldarooyin kala kulmay kooxaha Crystal Palace iyo Wolves.
Dhinaca kale kooxda Arsenal ayaa ka badisay kooxda Bournemouth kulan ka tirsanaa prmeier League.
Halkan kaga bogo xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulamada la ciyaaray:
1.Arsenal ayaa badisay seddexdii kulan ee ugu horeysay ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda xilli ciyaareedkii afaraad kaliya (sidoo kale 1930-31, 2004-05 & 2013-14) halka ay tahay markii ugu horeysay oo ay sidaas sameeyaan iyadoo aan hal gool laga dhalin.
2.Tan iyo markii Rodri uu saftay kulankiisii ugu horeysay ee Premier League bishii August, 2019, Man City ayaa laga badiyay shan ka mid ah 15 kulan oo uu ciyaaryahanka reer Spain ka maqnaa tartanka (9 guul 1 bar-baro); Taas bedelkeeda, waxa laga badiyay kaliya shan ka mid ah 67dii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka markii Rodri uu saftay (Badis 53 bar-baro).
3.Tababaraha Crystal Palace Roy Hodgson waa tababarihii ugu horeeyay ee shan jeer oo xiriir ah aan laga badinin Old Trafford oo uu booqday (3 guul iyo 2 bar-baro).
4.Maanta waa markii ugu horeysay tan iyo 28-kii Sebtember 2013 oo labada Manchester City iyo Manchester United laga badiyo sabtida 3-da galabnimo ee horyaalka Premier League isla taariikhdaas.