Fariimo hanjabaad ah oo iska soo horjeeda ayay is dhaafsadeen Xamaas iyo Israaiil oo dhanba dhanka kale waxa uu ugu goodiyay in dagaalka ka dhaxeeya uu yahay mid billow ah, taasi waxa ay dhalisay dareen horleh oo dadku ka muujinayaan colaaddaas cusub.
Hanjabaadda Falastiin & Israaiil waxaa dhinac socda duqeymo iyo weerarro ka socda Dhul baaxad weyn oo waxa ay kaamirooyinka teleefishinnada indhaha ku haya arrintaan soo qabanayaan olol iyo uuro badan oo goobo kala duwan is qabsaday.
Dagaalkii Falastiin kusoo furteen Gaadiidka, Hubka ciidan isla markaana ay soo qafaasheen maxaabiis isugu jirta Rayid & Askar waxa ay bannaanka soo dhigtay awoodda dagaalkaas ay ku yeesheen sanado kaddib.
Waddamo badan oo ah kuwa reer Galbeed iyo Bariga dhexe ayaa la kala saftay labada dhinac, dalalka qaar ayaa go’aan ku gaaray in aanay la dhigi Karin isusoo baxyo lagu kala taageerayo Falastiin iyo Israaiil sida lagu sheegay qoraallo ay soosaareen.
Meel weliba oo bulsho isugu tagto waxaa aad afka loogu hayaa dagaalka Bariga dhexe gaar ahaan Guusha Falastiin ay ka gaartay Israaiil, hanjabaadda Mareykanka, Aamusnaanta Carabta iyo waddamo aanay horay loogu baran in dibadbaxyo falastiin lagu taageerayo ay ka dhacaan oo dadku isugu soo baxeen.
Mareykanka ayaa Hanjabaad toos ah diraya waxaana uu dhinac wadaa in uu xiriiro kala duwan la sameeyo Dalalka Carabta oo uu rabo in uu dhexda kasoo galiyo dagaalkaan si ay ula dhinac istaagaan Israaiil sida laga soo xigtay diblumaasiyiin si dhow ula socda dhaqdhaqaaqa Washington ee dhanka Bariga Dhexe.
Wasiirrada Arrimaha Dibadda Waddamada Carabta ayaa 11ka Oktoobar 2023 oo Berri oo Arbaco ah ku ballansan in ay kulan indhaha lagu wada hayo ka yeeshaan colaadda ka jirta Bariga Dhexe iyada oo ay ka qaybgalayaan Dalal horay heshiis Israaiil ula galay.
Cambaareyn, soo jeedinta wadahadal, xabbad-joojin lagu dhawaaqo iyo waxyaabo lamid ah ayaa laga filayaa in fadhigaas uu kasoo baxo sida ay ku doodayaan diblumaasiyiin si dhow ula socda kulankaan degdega ah ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta.