Sida aan ka soo xiganay Warbaahinta Dowlada Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa ka dalbaday masuuliyiin Dowlada ka tirsan inay dib usoo celiyaan gaadiid gacantooda ku jira.
Waxaa la soo bandhigay guud ahaan Magacyada masuuliyiinta Dowlada ee laga rabo inay soo celiyaan gaadiidka iyo waliba mid kasta magaca gaadiidka ku maqan gacantiisa.
War qoraal ah oo ka soo baxay Hantidhowrka qaranka ayaa sidan u qornaa:-
Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka oo ka duulaya ilaalinta iyo maamul wanaagga Hantida dowladda waxa uu ku wargelinayaa dhammaan mas’uuliyiinta halkan hoose ku xusan in ay si dhaqsi ah u celiyaan gaadiidka dowladda ee kujira gacantooda.