Wuxuu ahaa sarkaal kii labaad ee ugu sareeyey Midowgi Soofiyeeti ee booqasho aan caadi ahayn ku yimid Soomaaliya sanadkii 1974-tii, xiligaas oo Xukuumadii malaterigu ay xiriir wanaagsan la lahayd dowladihii shuuciga ahaa ee ka tirsanaa Soofiyeetka.
Dowladdii Soomaaliya ayaa xiligaas diyaarisay soo dhawayn u qalantay Andrei Grechko oo ahaa Taliyihii Ciidamadii Soofiyeetka oo ka koobnaa 15 dal, wasiirkii gaashandhiga iyo ninka ugu sareeyey Isbahaysigii gaashaanbuurka milatari ee Warso oo xiligaas u dhigmay NATO, kaas oo booqashadiisu la xirirtay xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya.
Soomaaliya ayaana xiligaas ahayd dowladda ku taal bariga Afrika ee Xiriirka la lahayd Midowgii Soofiyeetka marka la eego dalalka ay xaduudaha wadaagaan oo dhamantood xiriir la lahaa wadamadii Reer galbeedka.
Gen Maxamuud Muuse Xirsi ‘Cade’ oo xiligaas ahaa kornayl ayaa loo xilsaaray hab maamuuska marti soorka waftiga iyadoo uu uga hooseeyey Jeneral Cali Ismaaciil oo xiligaas ahaa gaashaanle, wuxuuna cali Ismaaciil uga warramay booqashadasi Dr. Saadiq Eenow oo ah taariikhyahan iyo siyaasi Soomaaliyeed.
Gen Cali Ismaaciil oo allah u naxariistee uu ka af qaaday sheekadaasi Dr. Saadiq Maxamed Axmed Eenow ayaa xusay in arrinta xiisaha leh ay ahayd in markii ay diyaariyeen halkii uu dagi lahaa Marshal Grechno oo ahayd Villa Baydhabo oo markaas dhismihiisa la dhamaystiray.
Markaas ka dib waxaa uu sheegay in uu u yimid Sarkaalki Safaaradda Ruushka ee Muqdisho u qaabilsanaa Arrimaha milatariga si uu wax uga waydiiyo halka la dajinayo ee loo diyaariyey waftiga Midowga Soofiyeeti.
Jen Cali ayaa xusay inay tuseen qolkii gaarka ahaa ee loo diyaariyey Marshal Grechko laakiin uu kala kulmay arin uusan filanayn.
Safarka waqtiga waxaa xiligaas ka dhiman waqti kooban inay yimaadan Muqdisho
“Wuxuu I waydiiyey Sarkaalkii Ruushka ahaa ‘waligaa miyaa aragtay Grechko, maya ayaan ugu jawaabay’ ayuu yiri ‘Jeneral Cali’ waxaana u raaciyey sida uu sheegay inuu arkay sawirkiisa isagoo fadhiya oo kaliya. Intaas ka dib wuxuu Igu yiri Grechko waa nin dheer oo xooggan mana deeqdo sariirtan. Jen. Cali wuxuu sheegay inay ka dib ay diyaareen sariir ka weyn tii markii hore” ayuu u sheegay hadalkaas Dr Saadiq