Xidigii hore ee kooxaha Arsenal,Chelsea iyo Tottenham William Gallas ayaa aaminsan in dadka looga baahan yahay in ay is dejiyaan marka ay qiimeeyaan William Saliba isaga oo magacaabay afar daafac oo uu u arko in ay ka fiicanyihiin xiddiga Gunners.
Saliba ayaa qaab ciyaareed heer sare ah ku soo bandhigay Arsenal tan iyo bilawgii xilli ciyaareedkii hore markaas oo uu si joogto ah ugu ciyaaray Arsenal.
22-sano jirka ayaa door qeyn ka ahaa kooxdii Arsenal ee sida fiican ugu tartantay horyaalka Laakiin Gallas ayaan si weyn ugu qancin heerka xiddiga.
46-sano jirkaan ayaa taageere u ah Saliba, laakiin waxa uu dareemayaa inuu u baahan yahay inuu si joogta ah ugu ciyaaro xulka qaranka France ka hor inta aan loo qiimayn daafac heer caalami ah.
“Aan dajino marka aan ka hadlayno xaalada William Saliba!’ Gallas ayaa u sheegay Lord Ping.
“Taasi waa dhibaato dhanka warbaahinta casriga ah, dooda sidan oo kale kuma fiicna ciyaartoyda. Qaarkood ma xamili karaan cadaadiskaas”.
“Waan jeclahay Saliba, waxaana u maleynayaa inuu yahay ciyaaryahan aad u wanaagsan, laakiin sida aan ka walaacsanahay, daafacyada ugu fiican adduunka waa inay ka ciyaaraan xulkooda qaranka oo ay si joogta ah uga dhex muuqdaan Shaxda”.
“Aniga ahaan Saliba waxa ka fiican Thiago Silva, Josko Gvardiol, Raphael Varane iyo waliba Virgil Van Dijk”ayuu sii raaciyay.