Waxa fooda inagu soo haya suuqa kala iibsiga Bisha January iyada oo kooxaha kala duwan isku diyaarinayaan in ay xoojiyaan boosaska ay ka jilicsan yihiin.
Kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah in ay heshiis cusub u soo bandhigto xiddiga daafaca uga ciyaara ee Ben White si ay u hubiso mustaqbalkiisa fog ee kooxda (Football Insider).
Kooxaha Liverpool iyo West Ham ayaa isku baacsanaya xiddiga khadka dhexe ee kooxda Napoli Piotr Zielinski (Teamtalk).
Liverpool ayaa sidoo kale ku jirta tartanka saxiixa xiddiga kooxda Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz (Mail).
Kooxda Real Madrid ayaan u badnayn in ay samayso saxiix cusub suuqa Jnauary (Fichajes).
Real Madrid ayaa ku kalsoon in xidhiidhka fiican ee uu Alphonso Davies la leeyahay Vinicius Junior ay ka caawin doonto in ay la soo saxiixato xiddiga (AS).
Sidoo kale Los Blancos ayaa doonaysa in ay saxiixa Kylian Mbappe u adeegsato xiddiga Vinicius Junior oo saxiib la ah xiddiga reer France (AS).
Xiddiga Antony ayaa sbaba u noqon kara in uu tababare Ten Hag lumiyo shaqadiisa kooxda Man United (Tribune).
Kooxda Man United ayaa u dhaqaaqaysa saxiixa xiddiga kooxda Real Betis ee Guido Rodriguez si ay ugu buuxiso booska Casemiro (Estadio Deportivo).
Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ronald Araujo ayaa iska diiday kooxaha Liverpool iyo chelsea (Sport).
Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa diirada saaraya dadaalkiisa ku aadan saxiixa weeraryahanka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe, isagoo aaminsan in xiddiga reer France uu kaga haboon yahay Madrid marka loo eego weeraryahanka Manchester City Erling Haaland. (L’Equipe).
Barcelona ayaa go’aansatay in ayna heshiis cusub ka saxiixan xiddigaha Sergi Roberto, Marcos Alonso (sportsmole).
Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay kooxaha chelsea iyo Arsenal ku garaacdo saxiixa xiddiga Ivan Toney (sportsmole).