Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca dalka Kenye Aadan Barre Ducaale.
Labada dhinac ayaa gali doona wadatashiyo ku aaddan iskaashiga iyo dardargalinta howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka, kaas oo hadda wajigiis labaad uu bilaaban doona.
Wasiirka Difaaca dalka Kenye Aadan Barre Ducaale, ayaa la filayaa in uu la kulmo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre.
Kulanka Wasiirka Difaaca Kenya iyo Madaxda dalka ayaa la filayaa inta badan in lagu saaro xaaladda uu hadda dalka ku jira ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaaba iyo kaalinta dowladda Kenya ay ka geesan karto dagaalka.
Guud ahaan gaar ahaan bartamaha Soomaaliya waxaa hadda ka socda wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo Ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen deegaano dhawr ah in muddo ah ka maqnaa gacanta dowladda.
Maalmaha soo socda ayaa la qorsheenayaa in wajiga labaad ee dagaalka uu ka bilowda deegaanada dhaca Koonfur Galbeed, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa ATMIS.