Koobka Adduunka, champions League, Ballon d’Or, The Best, Kabta dahabka ah ee gool dhalinta yurub ayaa ka mid ah abaalmarinaha ugu qaalisan ee shaqsiga la bixiyo.
Xiddig kasta oo ciyaara kubada cagta waxa uu ku hamiyaa ama ku riyoodaa in uu ugu yaraan hal mar ku guulaysato abaalmarinahaas xirfadiisa ciyaareed.
Laakiin waxa jira abaalmarin ayna xiddigaha kubada cagtu xitaa ku riyoon u guulaysigeeda, ma ahan in ay bilaa qiimo tahay sababta oo ah waa mid ka mid ah abaalmarinaha ugu qaalinsan ee lagu guulaysto laakiin waa mid aad dhif u ah!
Waa abaal-marin lagu magacaabo Super Ballon d’Or, magaca oo kaliya ayaa kuu sheegaya in ay tahay mid ka qiimo badan oo ka sarreeya Ballon d’Or laftiisa.
Hadaba waa maxay abaalmarintan dhifka ah ee hadana qiimaha badan.
Waxa laga yaabaa in aanad maqlin abaalmarinta Super Ballon d’Or sababta ayaana ah sida ay aadka dhifka ugu tahay.
Majalada France Football ayaa kaliya hal mar soo saartay abaalmarinta waxana la bixiyay 1989 waana 30 sano ka hor.
Abaalmarinta Super Ballon d’Or waxa lagu abaalmariyaa xiddigii ugu fiican 30-kii sano ee la soo dhaafay waxana la doortay xiddiga ku guulaysta tan ilaa markii la soo saaray Ballon d’Or 1956-kii.
Xiddigiii ku guulaystay abaalmarinta Super Ballon d’Or wakhtigaas ayaa ahaa Halyeeyga Real Madrid Di Stefano,Halka Halyeeyga Barcelona ee Johan Gruyff iyo waliba Halyeeyga reer France ee Michel Platini ka galeen 2-aad iyo 3-aad.
Xiddiga ku guulaysanaya abaalmarinta waxa dooran jiray xiddigihii hore ee ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or iyo waliba daawadashaasa iyo akhristayaasha.