In ka badan laba bilood ayaa ka harsan inuu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January laakiin waxaa durba jira tiro ciyaaryahano ah oo waaweyn oo Yurub ah kuwaas oo u muuqda inay ka tagi karaan kooxahooda haatan.
Warbixintan waxan ku soo bandhigi doonaa 7 xiddig oo isaga tagi kara kooxohooda suuqa January:
Jadon Sancho (Man Utd)
Jadon Sancho ayaa la hubaa inuu ka tagi doono Man Utd bisha January xitaa hadii ay tahay amaah, ka dib markii ay isku dhaceen tababare Erik ten Hag.
Donny van de Beek (Man Utd)
Laacibka Man Utd Donny van de Beek “aad ayay ugu badan tahay” inuu ka tago kooxda bisha January sida uu qabo Fabrizio Romano.
Van de Beek ayaa liiska suuqa kala iibsiga ku jiray suuqii xagaaga laakiin waxa uu ku guul daraystay in uu ka tago inkasta oo ay Real Sociedad xiiso weyn u qabtay.
Ousmane Dembele (PSG)
Dembele ayaa kaliya u saxiixay PSG xagaagii hore ka dib markii kooxda Ligue 1 ay bixisay lacagtii lagu bur-burin karay heshiiska xiddiga.
Fichajes ayaa ku warameysa in PSG ay niyad jab kala kulantay Dembele tan iyo markii uu xagaagii kaga soo biiray Barcelona.
Mohamed Salah (Liverpool)
Al-Itixaad iyo Al-Hilaal ayaa la sheegay in ay isku dayi doonaan saxiixa Mohamed Salah bisha January
Al-Itixaad ayaa dalab weyn oo dhan 175 milyan euro ka gudbisay saxiixa xiddiga suuqii xagaaga Laakiin Liverpool ayaa diiday.
Ciro Immobile (Lazio)
Lazio ayaa diiday dalab lacageed oo weyn oo ka yimid Saudi Arabia xagaagii lasoo dhaafay oo ay ku dooneysay Ciro Immobile. Waxaa laga yaabaa inay hadda ka qoomameeyaan taas.
Isagoo jira da’da 33, Immobile wuxuu bilaabay inuu muujiyo da’diisa wuxuuna hoos u dhacayay sanadkii la soo dhaafay ama wax ka badan.
Samuel Iling-Junior (Juventus)
Xiddiga Samuel Iling-Junior ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican kooxda Juventus xilli ciyaareedkii hore kadib markii uu u soo dalacay kooxda 1-aad.
Si kasta ha ahaatee waxa uu ku dhibaatooday xilli ciyaareedkan taas oo keentay in uu ka boxo qorshaha kooxda 1-aad.
Ivan Toney – (Brentford)
Brentford ayay u badantahay in ay ku soo celiso Toney kooxda 1-aad kadib marka uu dhamaysto ganaax 8 bilood laakiin waxa lala xidhiidhinayaa kooxda Arsenal kuwaas oo doonaya saxiixiisa.
Sii Akhriso: