Qof walba ayaa sugi doona dhamaadka xilli ciyaareedka hadda socda si loo go’aansado masiirka xiddiga kooxda Paris Saint-Germain Kylian Mbappe.
Mbappe ayaa lala xiriirinayay xagaagii lasoo dhaafay oo dhan inuu ka tagayo kooxda PSG iyadoo Real Madrid ay dooneysay saxiixiisa, lakiin ciyaaryahanka ayaa sii joogay kooxda reer France.
Warar badan oo dhawaanahan soo baxayay ayaa sheegaya in Real Madrid ay qorshaynayso in ay u dhaqaaqayso Mbappe marka la gaadho xagaaga.
Si kasta ha ahaatee Real Madrid ayaa beenisay wararka sheegaya in ay wadahadlao kula jirto xiddiga reer France.
Real Madrid ayaa laga yaabaa inay dhab ahaantii ka baxdo baacsiga xiddiga Mbappe sabab la xidhiidha in ay xagaaga dambe kooxda keenayso xiddiga Andrik.
Horyaalka premier League ayaa laga yaabaa in ay noqoto meesha ugu munaasibasan ee uu xiddigu u dhaqaaqi karo heshiis uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda.
Manchester United iyo Liverpool ayaa noqon karta kooxaha uu Mbappe midkood ku biiri karo.
Haddii Mohamed Salah uu ka tago Liverpool, sida la filayo, ka dib dhamaadka xilli ciyaareedkan, marka la eego xiisaha uga imanaya horyaalka sucuudiga waxana uu Mbappe noqon karaa Badalka Salah.
Joogitaanka tababaraha Liverpool, Jurgen Klopp, ayaa sidoo kale door weyn ka ciyaari doona soo jiidashada Mbappe marka loo eego xiriirka cajiibka ah ee ka dhexeeya labadooda.
Ugu dambeyntiina, Liverpool ayaa leh taariikh weyn, waxayna ku guuleysatay Champions League lix jeer, waxayna tani ka dhigi doontaa Mbappe inuu ku fikiro inuu aado Reds, maadaama aysan Paris Saint-Germain wali ku guulaysan koobka.