Wareega Group-yada tartanka champions League ayaa gaadhay kala badh iyada oo dhamaan kooxaha premier League fursad u haystaan in ay u gudbaan wareega 16-ka.
Man City iyo Arsenal ayaa ku jira boos fiican iyaga oo hogaaminaya Group-yadooda isla markas ayna u badnayn in ay ka hadhaan tartanka.
Man United iyo Newcastle ayaa dhinaca kale shaqo badan u baahan laakiin wali waxa ay gacantooda ku hayaan mustaqbalkooda tartanka.
Hadaba maxay kooxaha premier Legaue u baahanyihiin si ay ugu gudbaan wareega 16-ka champions League.
Manchester United
United ayaa hadda fadhisa kaalinta saddexaad ee Group A iyadoo leh saddex dhibcood – hal dhibic waxay ka hoosaysaa Galatasaray halka ay lix dhibcood ka hoosayso Bayern Munich oo hoggaaminaysa Group-ka.
Man United ayaa u gudbi doonta wareega xiga hadii ay badiso dhamaan kulamada u dhiman.
Guul ay ka gaaraan Copenhagen iyo Galatasaray ayaa ah mid lama huraan ah, marka loo eego United ay Old Trafford ku soo dhaweyneyso Bayern kulanka ugu dambeeya, lix dhibcood oo ay ka helaan labada kulan ee soo socota ayaa ka dhigeysa inay ku jiraan labada ka hor kulanka Bayern.
Haddii Bayern ay garaacdo Galatasaray laba toddobaad gudahood, markaas lix dhibcood oo ay ka heleen Galatasaray iyo Copenhagen ayaa ku filnaan doona inay soo baxaan
Arsenal
Arsenal ayaa hogaanka u haysa Group B iyada oo leh lix dhibcood, hal dhibic ka sareysa Lens halka ay afar dhibcood ka sareeyaan Sevilla iyo PSV.
Gunners ayaa kulanka Sevilla ee todobaadka dambe soo galaya iyaga oo Og in guul ay gaadhaan ay u xaqiijinayso in ay u soo baxaan wareega xiga iyada oo 2 kulan u dhimantahay.
Manchester City
Kooxda difaacanaysa horyaalka Yurub ayaa ilaa hadda shaqo fudud ka samaysay Group G iyaga oo helay ugu badnaan sagaal dhibcood kulamadii ay la ciyaareen Leipzig, Young Boys iyo Red Star Belgrade.
Man City ayaa haatanba xaqiijisay booskooda wareega xiga iyada oo guul ay ka gaadhaan Todobaadka dambe Young Boys ka caawinayso in ay ku dhamaysato kaalinta 1-aad.