Kadib sanad waali ah oo la soo ciyaaray kubada cagta oo ay xiddigo badan soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.
Waxa jirta wakhtigii ka aqoonsan lahaa xiddiga ugu fiican adduunka iyada oo lagu abaalmarinayo Ballon D’or.
Hadaba warbixintan waxan ku soo bandhigi doonaa sababta ay tahay in uu Lionel Messi ku guulaysto abaalmarinta.
1.Ku Guulaysiga koobka adduunka:
In uuna xulkiisa kula guulasan wax koob ah ayaa sabab u ahayd dhaleecayn xoogan oo uu la kulmay laakiin waxa uu haatan xulkiisa kula guulaystay koobka adduunka taas oo aamusisay dadka dhaleeceeya xiddiga waxana ay haatan ka reebaysaa dadkii ka shakisnaa awoodiisa waxana ay ka caawinaysaa ku guulaysiga abaalmarinta.
2.In Uu Ku Guulaystay Kabtii dahabka ahayd ee Koobka adduunka:
Tartan uu dareemayay cadaadis aad u weyn dadka oo dhan isha ku hayeen in uu ku guulaysan doono koobka adduunka, Messi ayaa wacdaro ka dhigay tartanka waxana uu ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican tartanka.
3.In uu xilli ciyaareed fiican la soo qaatay PSG:
Messi ayaan kaliya xulkiisa si fiican ugu ciyaarin sanadkan laakiin waxa uu wacdaro ka dhigay horyaalka France isaga oo kooxda PSG kula guulaystay koobab shaqsi ah iyo kuwo jamaaci ahba.
3.In Uu Ku Guulaystay Abaalmarinta Laureus World Sportsman:
Waxaan wada aragnay Messi oo la caleemo saarayo abaalmarinta Laureus Sportsman ee sanadka waana markii labaad ee uu abid ku guuleysto abaalmarintan maskaxda ku hay inuu yahay Ciyaaryahanka kaliya ee abid helay abaal-marintan.
4.In Uu Ku Guulaystay Abaalmarinta The Best Ee Ay FIFA Bixiso:
Waa Abaalmarin kale oo uu Messi ku guulaystay sanadkan waana arin kale oo u fududaynaysa in uu markii 8-aad ku guulaysto abaalmarinta Ballon D’or.
5.In uu Noqday xiddiga Kaliya ee 2 jeer ku guulaysta abaalmarinta xiddiga Ugu fiican koobka adduunka:
Xiddiga reer Argentine ayaa noqday xiddiga kaliya ee laba jeer ku guulaystay xiddiga ugu fiican koobka adduunka tartanka kadib markii uu horay ugu guulaystay koobkii adduunka ee sanadkii 2014.
6.Wali koobab ayuu ku guulaysanayaa:
dhawaan Messi ayaa guul ku hogaamiyay Inter Miami koobka The League Cup markii ugu horaysay.
11 kulan oo uu u saftay kooxda David Beckham ayuu u dhaliyay 11 gool iyo 3 caawin.