Arsenal ayaa diyaar u ah in ay u dhaqaaqdo saxiixa badalka Thomas Partey kaas oo garoomada ka maqnaan doona ilaa sanadka cusub.
Ciyaaryahanka reer Ghana ayaa Emirates ugu soo dhaqaaqay sanadii 2020 aduun dhan 45 milyan balse waxa uu ku dhawaad hal sano garoonka ka maqnaa dhaawacyo aan tiro laheyn.
30 jirka reer Ghana ayay u badantahay in uu garoomada ka maqnaan doono inta ka dhiman sanadkan kadib markii uu dhibaato bowdada ah ka soo gaaray tababarka horaantii bishan.
Partey waa mid ka mid ah ciyaartoyda Arsenal ee ugu mushaharka badan isaga oo todobaadkii qaata mushahar dhan £200,000 waxana uu kooxda kula jiraa jeshiis ilaa 2025 ah.
Waxa uu ahaa mid ka mid ah saxiixyadii ugu horreeyay ee Arteta laakiin marar dhif ah ayuu diyaar u ahaa in uu kulamada u ciyaaro waxana uu ku dhibaatooday dhaawacyo badan.
Sidaas darteed kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo badalkiisa marka la gaadho suuqa kala iibsiga January ee soo socota.
Douglas Luiz – Aston Villa:
Luiz waa ciyaaryahan ay Arsenal u riyaaqday in muddo ah laakiin Villa ayaa sidoo kale aad u qiimeysa.
Gunners ayaa laga yaabaa in ay dalab ka gudbiso xiddiga reer Brazil marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga maadama uu yahay bartilmaameedkooda 1-aad sida uu sheegay Fabrizio Romano.
Waxay doonayeen Luiz 2022 laakiin 25-sano jirkaan ayaa qandaraas cusub u saxiixay Villa Park.
Martin Zubimendi – Real Sociedad:
Zubimendi ayaa hore u soo jiitay indhaha Arsenal qaab ciyaareedkiisa, Gunners ayaana ku fikirtay inay xagaaga u dhaqaaqdo.
Kooxda Arsenal ayaa si dhaw ula socotay xiddiga 24 jirka ah waxaana laga yaabaa inay diyaar u tahay inay dalab ka gudbiso marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, sida ay sheegtay Football.London.
Laacibka heerka caalami ee dalka Spain ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub sanadkii hore kaasoo dhacaya ilaa 2027 laakiin heshiiskiisa ayaa lagu bur-burin karaa lacag dhan 52 milyan.
Kalvin Phillips – Manchester City:
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City, oo 27 jir ah, ayaa og inuu u baahan yahay inuu si joogto ah u ciyaaro haddii uu ku soo bilaabanayo Euro 2024.
Taasina uma badna inay ku dhacdo Etihad ka dib xilli ciyaareed kale oo jahawareer ah oo uu ka hoos ciyaarayo Pep Guardiola.
City ayaa u sheegtay Phillips xagaagii inay diyaar u yihiin inay ku fasaxaan amaah laakiin xiddiga ayaa doortay in uu sii joogo kooxda.
Ruben Neves – Al-Hilal:
Naadiyada Premier League ayaa diyaar u ah inay u codeeyaan soo jeedinta lagu mamnuucayo amaahda u dhexeeya naadiyada xiriirka la leh milkiileyaasha isku midka ah.
Haddii ay sidaas dhacdo, sharciyadu waxay dhabar jab weyn ku noqon doonaan Newcastle oo rabta inay saxeexdo Neves – maadaama Newcastle iyo Al-Hilal ay xidhiidh leeyihiin maadama sucuudigu wada leeyaay.
Taas ayaa fursad u noqon karta kooxda Arsenal kuwaas oo laga yaabo in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga Neves kuna soo celiyaan premier League suuqa January
Aurelien Tchouameni – Real Madrid
Ka dib markii ay xagaagii 105 milyan ugu dhaqaaqday Rice, Gunners ayaa laga yaabaa in ay dareenka u jeediso saxiixa xiddiga Real Madrid Tchouameni.
Los Blancos ayaa xiddiga reer France kula soo wareegtay 85 milyan sanadii 2022 kooxda ka dhisan Ligue 1 ee Monaco.