Tartanka Champions League ayaa meel xiiso leh maraya kadib markii uu tartanku bilowday bishii hore.
Inkasta oo uu tartanku bilow yahay kooxaha qaar ayaa durba soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo muujiyay awoodooda ciyaareed iyo in ay meel fiican ka gali karaan tartanka.
Kadib markii la ciyaaray laba kulan wareega Group-yada waxa la qiimeeyay 5-ta kooxood ee ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka.
Manchester City (England):
In Man City laga dhigo kaalinta 1-aad ayaan ahayn mid lama filaan ah marka la eego in ay yihiin kooxda difaacanaysa tartanka kuna guulaystay xilli ciyaareedkii hore.
Bayern Munich (Germany)
Kadib markii ay lumiyeen Lewandowski sanadkii hore, Bayern Munich ayaa keentay badalkiisa oo ah Harry Kane kaas oo ka dhigaya kooxda ugu halista badan ee ku jirta tartanka.
Real Madrid (Spain):
Marka la soo hadal qaado champions League, waa in la soo hadal qaado Real Madrid waana koox mar walba loo saadaaliyo ku guulaysiga champions Leageu.
Barcelona (Spain):
Inkasta oo ay sanadihii ugu dambeeyay ku dhibaatootay dhinaca champions League hadana kooxda Xavi ayaa wakhti hore muujisay in ay ka gudubtay wakhtigii is qabsiga diyaarna u tahay ku guulaysiga koobka.
Arsenal (England):
Inkasta oo ay muddo dheer ka maqnaayeen tartanka hadan Arsenal ayaa muujisay in dhiigoodu la shaqeeyo tartanka champions Legaue.
Inkasta oo ay haystaan xiddigo aan khibrad badan u lahayn tartanka isla markaas ka qayb galay markii ugu horaysay hadana Gunners ayaa muujisay awoodeeda wakhti hore.