Liverpool ayaa heshiis afka ah la gaartay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Fluminense Andre Trindade kaas oo ay doonayso in ay ka dhigto saxiixeeda ugu horeeya suuqa January.
Reds ayaa xagaagii lala xiriirinayay 22-sano jirkaan heerka caalami ee dalka Brazil, laakiin waxa ay ku dhibaatooday in ay dhamaystirto heshiiska xiddiga sabab la xidhiidha in ay kooxdu doonaysay in uu xiddigu kala qayb galo koobka Copa Libertadores.
Madaxwaynaha kooxda Mario Bittencourt ayaa shaaca ka qaaday inuu wadahadalo gaar ah la yeeshay Liverpool oo ku saabsan suurtogalnimada xiddigu ugu dhaqaaqi karo laakiin ay kaliya ogolyihiin suuqa January.
“Saaxiib hadda ma iibiyo ciyaaryahan, mana bixinayo hadda. Waxaan rabaa inaad hadda iibsatid si aad u qaadato January waxaan bilaabi karnaa inaan hadlo, ama haddii aad rabto inaad sugto ilaa December oo aan wada hadalno December’.”ayuu yidhi madaxweynaha Kooxda reer Brazil.
Fluminense ayaa finalka Copa Libertadores kula ciyaari doonta kooxda reer Argentine ee Boca Juniors November 4, taasoo la micno ah in Andre loo ogolaan doono inuu u dhaqaaqo Anfield bisha Jnauary.