Wakiilka Luka Modric ayaa diiday inuu aabusiyo wararka xanta ah ee sheegaya in xiddiga uu wakiilka u yahay uu ka tagi karo Real Madrid marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Croatia ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo Los Blancos xagaagii, iyadoo qandaraaskiisu uu dhamaanayo, laakiin ugu dambeyntii wuxuu qalinka ku duugay hal sano oo dheeri ah.
38 jirkaan ayaa 15 kulan u saftay Real Madrid xilli ciyaareedkan, laakiin lix jeer oo kaliya ayuu ku soo bilowday, iyadoo inta badan uu kursiga keydka ka soo kacay qeybtii labaad ee ciyaaraha.
Modric ayaa dhawaan qirtay inuusan ku faraxsanayn inuu kaydka ku bilowdo kulamada waxana si weyn loola xidhiidhinayaa kooxaha sucuudiga.
Tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa bishii hore sheegay inuu filayo in ciyaaryahanka khadka dhexe uu sii joogo Bernabeu inta ka dhiman xilli ciyaareedka.
Si kastaba ha ahaatee, ma jirto wado muuqata oo uu dib ugu soo laaban karo shaxda joogtada ah ee kooxda isaga oo ka dambeeya xiddigaha kooxda ee khadka dhexe.
Borja Couce, oo wakiil ka ah Modric, ayaa diiday inuu meesha ka saaro in uu xiddigu ka tagi karo kooxda iyada oo lala xidhiidhinayo sucuudiga.
“Kooxaha Sacuudiga? Xagaagan waxa jiray xiiso Modric Ciyaaryahanka ayaa dhowr dalab ka helay kooxo dhawr ah”Couce ayaa u sheegay Shoot.
“Modric wuxuu hadda ka fikirayaa Real Madrid, laakiin fikradda ah in uu u dhaqaaqo horyaalka sucuudiga waa suurtogal haddii dalabku ku habboon yahay”.