Wakiilka Erling Haaland ee Rafael Pimenta ayaa diiday inuu xaqiijiyo in xiddiga heerka caalami ee dalka Norway uu weli sii joogi doono Manchester City xilli ciyaareedka soo socda iyadoo ay jiraan warar xanta ah oo ku saabsan ku biiristiisa Real Madrid.
Wargayska AS ayaa ku warameysa in Los Blancos ay diyaar u tahay inay bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa oo dhan 200 oo milyan ee euro.
Wararka waxa dabka ku shiday mustaqbalka xiddiga wakiilkiisa oo albaabka u furay in uu xiddigu ku biiri karo kooxda Real Madrid.
Erling isaga ayaa go’aamiya mustaqbalkiisa, hada maahan laakiin noloshiisa oo dhan”ayay u sheegtay Relevo.
“Kooxda iyo xiddiga way isla socdaan, sida wax looga hadlay waa wax dagan waana la isku qanacsanyahay”.
“Ma ahan run in Erling uu sameeyo waxa uu rabo. Erling wuxuu had iyo jeer u socdaa inuu sameeyo waxa u fiican isaga iyo kooxdiisa Manchester City. Marka qof kastaa rabo in uu heshiis dhoco wax walba waa la dhamaystiri doonaa”