Xulka qaranka France ayaa rikoodh waali ah ka dhigay kubada cagta kadib markii ay guul weyn ka gaadheen xulka Gilbratar.
Kulan ka tirsanaa is reeb-reebka koobka Euro 2024 kulan ka dhacay dalka France waxana uu xulka France gaadhay guul weyn.
Xulka France ayaa guul weyn oo 14 gool ah ka gaadhay xulka Gilbratar waana rikoodh taariikhi ah oo ay adagtahay in ay dhacdo.
Xiddiga Mbappe ayaa ahaa xiddiga ciyaarta waxana uu dhaliyay saddex gool Halka xiddiga Kingsley Coman dhaliyay 2 gool.
Sidoo kale xididga Olivier Giroud ayaa dhaliyay 2 gool dhaliyay waxana uu xulkiisa u hogaamiyay guul taariikhi ah.