Tartanka is reeb-reebka Euro 2024 ayaa maraya meel xiiso leh oo gaba-gabo ah iyada oo xiddigo badan wacdaro dhigeen.
Xiddiga xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa hogaaminaya gool dhalinta tartanka Euro 2024.
Waxa uu Ronaldo la goolal yahay xiddiga Xulka Belguim ee Romelu Lukaku kaas oo dhaliyay 10 gool.
Ronaldo ayaa 8 kulan u ciyaaray xulkiisa Portugal waxana uu dhaliyay 10 gool halka uu Romelu Lukaku dhaliyay 6 kulan 10 gool.
Waxa ku xiga xiddiga xulka England ee Harry Kane oo dhaliyay 7 gool kadib 8 kulan oo uu ciyaaray is reeb-reebka.
Hala Kaga Bogo tartanka gool dhalinta is reeb-reebka koobka adduunka:i