Maanta oo Arbaca ah waxaa magaalada Las Rozas ka dhici doona isku aadka wareega xiga ee Copa Del Rey-ga, iyadoo isku aadka aysan Real Madrid ka qeyb qaadan doonin maadama ayna ku jirin isku aadkii hore ee bishii October.
Mundo Deportivo ayaa qortay in Real Madrid oo hadda heysata koobkan laga reebay labadii wareeg ee hore ee koobka maadaama ay ka qeyb gashay Super Cup-ka Spain, waxaana tani ay ka mid aheyd waxyaabihii lagu faah faahiyay isbedelka lagu sameeyay qaabka tartanka. 2019-2020 xilli.
Isbeddelkii ugu dambeeyay, waxaa la go’aamiyay in afarta ka qeyb-galeysa koobka Super Cup-ka laga reebo labadii wareeg ee ugu horreysay koobka si aan loo kordhinin jadwalka.
Isla sababtaas awgeed, Atletico, Barcelona iyo Osasuna ayaa sidoo kale laga reebay tartanka labadii kulan ee hore.
Sababtaas awgeed, Real Madrid ayaa markii ugu horreysay ka qayb qaadan doonta Koobka Boqorka ee wareegga 32-ka, kaasoo la qaban doono 6 iyo 7 bisha January.
Todobadka xiga ee 4 ilaa 10 January tartanka Spanish Super Cup ayaa lagu qaban doonaa dalka sucuudiga.