Dhawaan ayay ahayd markii Israel markeedii u horreysay lagaga dhawaaqay Gole Wasiirro oo Dagaal, kuwaas oo shaqadoodu noqon doonto xaaladda dagaal ee ay kula jiraan Xamaas.
Golahan ayaa ka koobnaan doona saddexda nin ee kala ah Benjamin Netanyahu, Yoav Gallant iyo Benny Gantz, iyo laba nin oo kale oo ahaan doona kormeerayaal.
Benjamin Netanyahu
Benjamin Netanyahu waa ra’iisul wasaaraha Israa’iil ee hadda. Dowladdiisa ayaa waxaa saarnaa cadaadis xooggan oo dhanka shacabka ah si ay meesha uga saarto Xamaas kadib markii dagaalyahanadooda ay weerareen 7dii Oktoobar, uuna halkaas ka dhacay dagaal boqollaal Israa’iiliyiin ah ay ku dhinteen.
Ka hor xataa weerarkaas oo Israel naxdin ku ahaa, Netanyahu ka horba wuxuu la halgamayay xiisad siyaasadeed oo weyn oo ka taagan dalkaas.
Benjamin Netanyahu
Xukuumaddiisa, oo ah garabka midig ee Israa’iil, ayaa la kulantay bilo caqabado sharci ah iyo mudaaharaadyo ballaadhan oo ka dhashay isbeddello muran dhaliyay oo xaddidaya awoodda garsoorka.
Kaddib weerarkii Xamaas ee Israel, oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa taariikhda dalkaas, Netanyahu waxaa lagu dhaleeceeyay jawaabtiisa iyo khibrad la’aanta millitari ee golihiisa wasiirrada.
Taas ayaana ku dhalisay in uu aasaaso waxa ay ugu yeedheen Golaha Wasiirrada ee Dagaalka.
Waxa ay si wadajir ah u wada hoggaamin doonaan golahan wasiirrada Benny Gantz, oo ah sarkaal sare oo mucaarad ah iyo wasiirkii hore ee difaaca, iyo kan hadddaba Yoav Gallant
Mr Gallant waa xubin ka tirsan Knesset, baarlamaanka Israel, iyo xisbiga Mr Netanyahu ee Likud. Waxa uu ahaa wasiirka gaashaandhigga tan iyo 2022-kii.
Waa taliyihii hore ee taliska koonfureed ee ciidamada Israa’iil, isaga oo khibrad ciidan ku biirinaya golaha wasiirrada dagaalka.
Warbixin kooban oo uu qabtay kaddib aasaaskii golahaas, Mr Gallant waxa uu wacad ku maray in uu Xamaas ka tirtiri doono guud ahaanba gobolka, iyada oo xukuumadda cusub ee lagu midaysan yahay ay ka dhawaajisay in weerar weyn oo dhulka ah uu si dhaqso ah u bilaaban doono, kaas oo haddaba dhaqdhaaqiisu socdo si looga aargoosto weerarkii ay kooxda Xamaasah ku qaadday dabayaaqadii toddobaad ka hor.
Benny Gantz
Mr Gantz waxa uu ahaa taliyahii hore ee ciidanka Israel iyo wasiirka gaashaandhigga. Shuruudaha uu qaybta uga noqday dawladdan midawga ah, waxaa ka mid ahaa in la dhiso gole wasiirro oo dagaal yar oo laga reebay xubnaha midigta fog ee isbaheysiga hadda jira, sida Wasiirka Amniga Qaranka Itamar Ben-Gvir iyo Wasiirka Maaliyadda Bezalel Smotrich.
Mr Eizencot iyo Mr Dermer ayaa sidoo kale ku biiri doona golaha wasiirada dagaalka ee shanta nin ka kooban hab lataliye ahaan, iyadoo labadan sarkaal ee sare ay yihiin xubno “kormeer” ahaan doona.
Maxay tahay awoodda ay lahaan doonaan golahaasi?
Mr Netanyahu iyo Mr Gallant ayaa horeba iyagu u lahaa xuquuqda ah in ay qaataan go’aan kasta oo ku saabsan dagaalka iyaga oo aan kala tashan dowladda ama Knesset, maaddaama ay xasaanadooda hore u haysteen.
Laakiin samaynta golahan dagaalka ayaa ka hortagi doonta eedeymaha ka dhanka ah Netanyahu ee ah in uu keligiis ordayo, ama uusan lahayn dad khibrad ciidan oo durugsan leh oo ka mid ah isbahaysiga talada haya.
Mr Gantz, ayaana ka mid ah shakhsiyaadka aad isha loogu hayo maaddaama uu khibrad u leeyahay la tacaalidda dagaalladii hore ee Marinka Gaza.
Maxaa laga filayaa in ay qabtaan?
War qoraal ah oo ay soo saartay dawladda midawga ahi ayaa sheegtay in aysan ka shaqayn doonin wax kale oo aan ka ahayn waxyaalaha khuseeya xaaladda dagaal ee dalku galay, taas oo ah ujeedka keliya ee ay u dhisan yihiin.
Sida ku cad heshiiskaas, wasiirkii hore ee gaashaandhigga Benny Gantz iyo xubno ka tirsan xisbigiisa dhexe ayaa ku biiri doona isbahaysiga Netanyahu, oo ka mid ah dawladaha garabka midig ee taariikhda Israa’iil, kaas oo Gantz uu hore uga soo horjeeday.
Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ugu weyn ee baarlamaanka, Ra’iisul Wasaarihii hore Yair Lapid, ayaa diiday inuu ku biiro midawgaas.
BBC-da