Suldaan Maxamed Shiikh Faarax waxa uu ku jiraa da’aada 70-meeyada, waxa uu ku noolyahay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasi oo inta ugu badan waayihiisa nolosha uu ku qaatay.
Waxa uu nolosha kusoo maray marxalado nololeed, isagoo soo qabtay shaqooyin kala duwan, waxa uu ahaa sheekh xerow ahaa oo kitaabada diiniga ah raacan jiray isagoo sii wata nolosha qaybeheeda kala duwan.
Mar laga joogo ku dhawaad afar sano ayuu go’aansaday in uu bilaabo waxbarasho heer jaamacadeed ah, iyadoo heerkiisii hore ee waxbarasho uusan ahayn mid uu waqti badan ku bixiyay.
Waxa uu ahaa arydayga ugu da’da weyn jaamacadda uu ka qalin jabinayay, iyadoo ardaydu ay aad u ixtiraami jireen isla markaana uu u ahaa waalidkooda jaamacadda ee u caqli celiya ama ay la kaashadaan waxyaabah la xiriira taariikhda.
Qisada ku hoos duugan waxbarashadiisa
Marka laga soo tago da’aadda uu ku bilaabay waxbarashada, waxa jirta sheeko kale oo cajiib ah isla markaana qeexeysa qisada waxbarasho ee Suldaan Maxamed.
Suldaan Maxamed oo dhowaan ka qalin jabiyay jaamacadda Savaanah, waxa uu waxbarashada kahor ahaa nin qayb kaga nool dhismaha jaamacadda, waxa uu ahaa ilaaliyaha ama waardiyaha jaamacadda, balse mar qura waxaa is beddelay aragtidiisii ahayd in uu ku koobnaado waardiye dhinacyadiisana lagu guranayo miraha culuumta.
Suldaan oo aan qadka taleefanka kula xiriirnay ayaa BBC-da uga sheekeeyay halka uu ka billaabatay dhiiri gelinta safarkiisa waxbarashada iyo heerka uu maanta joogo, isagoo ka hadlaya yiri, “Markeygii hore waxa aan ahaa xerow, aan wax badan ka fahansaneyn culuumta maadiga iyo muhiimadda waxbarashada, intii aan joogay jaamacadda ayaan arkay muhiimadda ay leedahay waxbarashada iyo in ay wax badan iga maqanyihiin.
Waxa aan arkay arday badan oo jaamacadda soo xaadiraya haddana ku dadaalaya waxbarashada, markaas ayaan is weydiiyay, ‘maxaad uga gaajeysantahay cilmigan hareerahaaga yaalla’? intaa kadib ayaan u tagay maamulka jaamacadda waxa aanu sheegay in aan u baahanahay in aan wax barto oo ku biiri jaamacadda, wey isoo dhaweeyeen oo wey ku farxeen” ayuu sii raaciyay.
Dad badan ayaa aaminsan in waxbarashadu ay leedahay waqti cayiman ama qofku marka uu weynaado ay tahay in uu soo dhaafay waqtigii loogu tala galay, hase yeeshee Suldaan waxa uu sheegay in uusan waqti ka tegin isla markaana uu weli doonayo in u uku shaqeysto oo bulshada ugu adeego wixii uu bartay.
Suldaan, waxa uu bartay ‘Qaynuunka iyo shareecada’ waxa uu lahaa hami iyo hibo isaga ku jirta oo uu sheegay in ay ku taxaluqdo qareen, waxa uu faah-faahiyay sida hadda uu qorsheynayo in uu noqdo qareen sare oo u dooda dadka cadalaadda raadinaya.
Suldaan oo ka hadlaya sida uu ugu rejo weynyahay hammigiisa ayaa yiri, “Waxa aan jeclaa oo aan ka qalin jabiyay waa cilmiga qaynuunka iyo shareecada, maadaama aan dalkeygii joogo waxa aan jeclahay in dhinaca caddaaladda aan ugu adeego, waxa aan jeclahay in aan noqdo qareen wax badan ka caawiya bulshadiisa”.
Dhinaca kale, Suldaan waxa uu wax ku bartay gudaha magaalada Guriceel, hase yeeshee waxa uu sheegay in shaqdiisu aysan ku ekaan doonin oo kaliya Guriceel iyo gobolka Galgaduud, balse uu wada gaarsiin doono qaybaha kale ee dalka.
Dhinaca kale wasiirka wasaaradda waxbarashada Galmudug, Maxamed Xaashi Dhoorre, oo hambalyadiisa guddoonsiiyay Suldaan, ayaa ku tilmaamay arday dadaal badan iyo in uu yahay qof ku dayasho mudan.
Suldaan ayaa lagu tilmaamay shaqsi tusaale u noqon kara dad badan oo da,doodu ay weyntahay isla markaana jeclaan lahaa in ay wax bartaan.
Inta badan jaamacadaha dalka ayaa sanadihii ugu dambeeyay, lagu arkaa in ay kusoo badanayan waalidiinta ardayda noqonaya ee sii wadaya waxbarashada iyadoo qaarkood ay dhacdo in wax wax wada bartaan awlaaddooda.