Kooxda Falastiiniyiinta ah ee Islamic Jihad, oo ah koox hubaysan isla markaana fadhigeedu yahay Qasa, ayay ciidamada Israa’iil ku eedeeyeen in ay mas’uul ka tahay duqeyntii ay ku geeriyoodeen boqollaalka ruux ee ka dhacday isbitaalka Al-Ahli Al-Carabi.
Waxaa kordhaya tirada dadka ku dhintay duqeynta Isbitaalkaas, oo hal mar ay ku wada geeriyoodeen shan boqol oo qof oo ay ku jiraan dad dhaawac aha, iyo kuwa u yimid Isbitaalka inay ku badbaadaan. Falastiin ayaa duqeyntaas ku eedeeysay Israel oo labadii toddobaad oo la soo dhaafay ku dishay dad ka badan 1500 oo qof duqeyn ay ka geystay Qasa.
Dalalka dunida iyo kuwa Islaamka ayaa si adag uga hadlay ayaa cambaareeyay duqeyntaas oo ku beegan tahay xilli maanta la filayo in madaxweynaha Mareykanka uu booqdo Israel. Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa ka baadsadya kulan uu la yeelan lahaa Joe Biden maadaama uusan Mareykanku cambareyn Israel oo uu Maxamuud ku eedeeyay duqeynta Isbitaalka.
Sidaa si la mid ah, boqor Cabdallaha Jordan ayaa baajiyay kulan uu ku martigelin lahaa madaxweyne Biden, Maxamuud Cabaas iyo Madaxweynaha Masar Sisi, kaas oo looga hadli lahaa dagaalka ka socda Qasa.
Dhowr jeer oo hore waxaa la sheegay in gantaallada ay rideen kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta oo ay ku jiraan Islaamic jihaad ay mararka qaar qaldamaan, waxaana ay ku dhaceen xaafado ay dad rayid ah degan yihiin.
Haddaba, maxaan ka ognahay kooxda Islamic Jihad?
Kooxdu waxa ay ka howl gashaa Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza, oo ay ugu weyn yihiin Daanta Galbeed magaalooyinka Hebron iyo Jenin. Howlgalladeeda waxa ka mid ahaa qaraxyo iyo sidoo kale gantaallo lagu riday Israa’iil. Kooxda Islamic Jihad ayaa Maraykanku u aqoonsaday urur argagixiso.
Kooxda labaad ee ugu hubka badan Gaza, Islamic Jihad, ayaa inta badan laga saaray ururka weyn ee Xamaas, kaas oo maamulayay Gaza tan iyo 2007-dii.
Bishii May, milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen oo ay dileen saddex hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Islamic Jihad oo ay sheegeen in ay mas’uul ka ahaayeen weerarro gantaallo ah oo ka dhan ah Israa’iil iyo weerarro kale oo ka dhan ah muwaadiniinta Israa’iil ee ka dhacay Daanta Galbeed.
PIJ waxay bilawday howlgalkeeda hubaysan ee ka dhanka ah Israel sanadkii 1984-tii. 1988, hogaamiyayaasheeda waxa ay Israa’iill u musaafurisay Lubnaan. Intii ay ku sugnaayeen Lubnaan, kooxdu waxay tababar iyo taageero ka heshay Xisbullah iyo taageerayaasheeda Iran, waxayna xiriir dhow la yeesheen ururka. Sannadkii 1990-kii, xarunta dhexe ee PIJ waxay u guurtay caasimadda Suuriya ee Dimishiq, halkaas oo weli saldhig u ah, waxa ay xafiisyo ku leedahay Beirut, Tehran.
Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Islaamic Jihaad ah iyo Xamaas?
Xamaas iyo Islamic Jihaad ayaa inta badan weerarro isku mid ah la beegsada Israa’iil iyagoo isku mabda’ ah. Waxay kamid yihiin kooxaha ugu saameynta badan ee ku midoobay la dagaallanka Israa’iil, kaas oo isku xira inta badan dhaqdhaqaaqa millatari ee kooxaha kala duwan ee hubaysan ee ku sugan Gaza.
Islaamic Jihaad ayaa inta badan u dhaqma si ka madax banaan Xamaas waxaana ay inta badan diirada saaraan iska horimaadyada millitari.
Islamic Jihad ayaa sidoo kale gacanta ku haysa daraasiin ururro diimeed ah oo ka jira dhulka Falastiin kuwaas oo u diiwaan gashan hay’ado ka shaqeeya masaajido, dugsiyo, iyo xarumo caafimaad oo bixiya adeegyo bilaash ah.
Islamic Jihad ayaa sidoo kale ka hawlgasha tobanaan xero oo loogu talagalay carruurta. Waxay fureen 51 xero oo gacanta ku heysa ku dhawaad 10,000 oo caruur ah ilaa 2010-kii.
Qaar kamida hogaamiyeyaashii laga dilay
Maxamuud Tawalbe: Hogaamiye sare oo ku suganaa Jenin, oo lagu dilay hawlgal ay sameeyeen ciidamada Israa’iil ee loo yaqaano [IDF] 2002-dii.
Maxamed Dadouh: Taliyihii sare ee Qasa waxaa lagu dilay gantaal ay Israa’iil ku dhifatay sanadkii 2006-dii.
Maxamuud al-Majzoub: xubin ka tirsan Golaha, oo lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray, 2006-dii.
Husam Jaradat: Taliyihii sare ee Jenin, ayaa isna lagu dilay xerada qaxootiga ee Jenin, 2006-dii.
Qaar kamida weerrarada ay ay qaadeen
Agoosto 1987-dii: PIJ waxay sheegatay mas’uuliyadda toogasho lagu dilay taliyihii booliska milatariga Israa’iil ee Marinka Qasa.
July 1989-kii: Weerar ka dhacay wadada Jerusalem-Tel Aviv, ugu yaraan 14 qof ayaa lagu dilay oo ay ku jiraan laba Canadian ah iyo hal Maraykan ah iyo tobanaan kale oo dhaawacyo ay soo gaareen.
4-ta Febraayo 1990-kii Bas ay saarnaayeen dalxiisayaal Israa’iiliyiin ah oo Masar ku sugnaa ayaa la weeraray. Weerarka ayaa waxaa ku dhintay 11 qof, oo ay ku jiraan 9 Israa’iiliyiin ah, waxaana ku dhaawacmay 17 kale.
Febraayo 1992-dii: Waxay dileen saddex askari oo Israa’iil ah oo hurday saldhiggoodii, iyagoo isticmaalaya mindiyo, faasas.
6-da Abriil 1992-dii: Kolonyo Ciidanka Israa’iil ah ayaa lagu weeraray Hula, Koonfurta Lubnaan. Labo askari ayaa ku dhintay 5 kalana waa laga dhaawacay. Bartilmaameedku wuxuu ahaa sargaal sare oo lagu magacaabo General Yitzhak Mordechai, oo ahaa madaxa taliska Waqooyiga ee Israa’iil.
April 1994-tii: Gaari bam lagu xiray oo ay saarnaayeen Israa’iiliyiin badan ayaa waxaa ku dhintay 9 qof 50 kalena waa ku dhaawacmeen.
Janaayo 1995-tii: Bam ayaa lagu dilay siddeed iyo toban askari iyo hal qof oo rayid ah.
Abriil 1995-tii: Weerar Bambaano oo ka dhacay Netzarim iyo Kfar Darom. Bamkii ugu horreeyay ayaa waxaa ku dhintay 8 qof oo ay ku jirtay ardayad Mareykan ah, Alisa Flatow, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 30 qof oo saarnaa bas ay Israa’iil leedahay, Weerarka labaad ayaa ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ay ku dhaawacmeen 12 qof.