Tababaraha kooxda Sporting CP Ruben Amorim ayaa meesha ka saaray Wararka ugu dambeeyay ee la xidhiidhinayay kooxda Man United waxana uu sheegay in uuna wax xidhiidh ah ka helin kooxda Premier League.
Ten Hag ayaa wajahaya cadaadis xoogan sabab la xidhiidha xilli ciyaareedka liita ee xilli ciyaareedkan iyada oo kooxdu la kulantay laba guuldaro oo xidhiidh ah.
Wararka ayaa sheegayay in ay Man United bilowday raadinta badalka Ten Hag iyada oo u calaamadsatay badalkiisa tababaraha Sporting Lisbon ee Amorim iyo tababarihii hore ee kooxda Real Madrid Zinedine Zidane.
Amorim oo horay bartilmaameed ugu ahaa chelsea ayaa sheegay in uu doonayo in uu sii joogo kooxdiisa haatan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
Markii wax laga waydiiyay xiisaha uga imanaya Man United ayuu yidhi”Sanadkan kuma laabanayo sidii sanadkii hore”.
“Arimahaas kama hadlayo, kama hadalayo xaaladahan oo kale”ayuu sii raaciyay.
Mar lagu sii cadaadiyay su’aasha lana waydiiyay u dhaqaaqistiisa suurtagalka ah ee Man United ayuu sii raaciyay”Ma garanayo mustaqbalka waxa ay ku xidhnaan doontaa Natiijooyinka”.