Tababaraha xulka qaranka Spain Luis de la Fuente ayaa magacaabay xulalka ugu cad-cad ku guulaysiga koobka Euro 2024.
Xulka qaranka Spain ayaa isku diyaarinaya in ay wajahaan Qubrus iyo Georgia kulan ka tirsan isreeb reebka Euro 2024.
De La Fuente ayaa ku yiri hadaladiisa inta lagu gudajiray shirka jaraa’id: “Waxaan ka shaqeyneynaa inaan horumarino maalin kasta, iyo inaan kor u qaadno xoojinta tartanka kooxda si aan ugu qalano inaan ku guuleysano Euro 2024.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Ciyaarta Qubrus-Georgia waxa ay muhiim noo tahay in aanu hogaamino Group-ka waxana aanu haysanaa xul heer sare ah”.
Wuxuu intaas ku daray: “Kubadda cagta, wax dammaanad ah lagama helayo, waxa kaliya ee ay tahay inaad sameyso waa inaad ixtiraamto xulka kaa soo hor jeeda isla markaas aad soo bandhigto wax walba oo aad awoodid ciyaarta”.
Waxa uu sharaxay: “Waxaan diyaar u nahay inaan u dagaalanno inaan ku guuleysano Euro Championship, laakiin waxaa jira France, England, Germany, Portugal, Italy, tartan kasta waxa aan had iyo jeer sheegnaa xulalkaas laakiin sidoo kale waxa jira xulka lama filaanka ee Croatia oo mar walba fiican”.