Gareth Southgate ayaa si deg deg ah hoos ugu dhigay cabsida Erik ten Hag ka dib markii Marcus Rashford uu dhaawac ka soo gaaray kulankii England ay guusha ka gaareen Malta.
Xiddiga Rashford ayaa badal kaga baxay qaybtii dambe ee ciyaarta kadib markii ay isku dheceen xiddiga ay siku xul yihiin.
Rashford ayaa ku dhacay xiddiga ay isku xulka yihiin ee Trent Alexander-Arnold waxana lagu badalay xiddiga Cole Palmer.
Tababaraha xulka qaranka England ayaa ka warbixiyay xaalada xiddig kadib markii ay dhamaatay ciyaartii Malta.
“Waxaan filayaa in Rashford uu fiicanyahay”ayuu yidhi.