Supercomputer ayaa saadaaliyay kala saraynta ugu dambaynta ah ee horyaalka premier League iyada oo rajada fiican ee Tottenham ku dhamaan karto niyad jab.
Tottenham oo ay xiddigo badan oo muhiim ah ka maqnaan doonaan ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulmeen kooxda Wolves.
Kooxda Spurs ayaa haatan laba guuldaro oo xidiidh ah kala kulantay premier League kadib guuldaradii ay kala kulantay kooxda Chelsea todobaadkii hore.
Kadib markii la ciyaaray 12 kulan Supercomputer ayaa saadaaliyay sida uu ku dhamaan doono kala saraynta horyaalka premier League.
Supercomputer ayaa Man City u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka premier League kadib markii ay si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka.
Sidoo kale Supercomputer ayaa Arsenal u saadaaliyay ku dhamaysiga kaalinta 2-aad halka uu Liverpool u saadaaliyay kaalinta 3-aad.
Supercomputer ayaa Man United u saadaaliyay kaalinta 8-aad halka uu chelsea u saadaaliyay kaalinta 6-aad ee kala saraynta.⁹