Kooxda Arsenal ayay wali hal ama 3 xiddig ka dhiman yihiin si ay ugu guulaysato horyaalka premier League.
Inkasta oo ay lacag badan galisay suuqa xagaagii hadana waxa ay hal dhibic ka dambaysaa hogaamiyayaasha horyaalka Man City.
Kooxda Arsenal ayaa la soo saxiixatay xiddigaha Declan Rice, Jurrien Timber, & Kai Havertz kuwaas oo ka dhigay koox ka xoogan sidii xilli ciyaareedkii hore.
Laakiin Arsenal ayaa wali u baahan ugu yaraan hal ama 3 xiddig si ay ugu guulaystaan horyaalka sida uu qabo Supercomputer.
Supercomputer ayaa sheegay in ay Arsenal u baahantahay xiddig daafaca bidix ah, xiddig khadka dhexe ah iyo waliba xiddig ka ciyaara weerarka tooska ah.