Horyaalka premier League ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo kooxo badan qaab ciyaareed fiican soo bandhigeen.
Xiddigo badan ayaa is muujiyay qaab ciyaareedkooda cajiibka ah waxana ay wacdaro ka dhigeen tartanka premier League.
Inkasta oo wali lagu jiro bilowgii xilli ciyaareedka lana ciyaaray kaliya 12 kulan hadana waxa la soo saaray shaxda ugu fiican.
Shabakada Score 90 ayaa soo saartay shax ay ka samaysay xiddigaha wacdaraha ka dhigaya horyaalka premier Legaue ilaa haatan xilli ciyaareedka.
Kooxda Tottenham ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 4 xiddig kadib sida cajiibka ah ee ay ku bilowdeen.
Kooxaha Liverpool,Man City iyo Arenal ayaa shaxda ku leh min 2 xiddig kadib markii ay wacdaro ka dhigeen tartanka ilaa haatan halka ay Newcastle ku leedahay kaliya hal xiddig.