Kooxaha Man United iyo Man City ayaa isaga hor iman doona kulan adag oo ka tirsan horyaalka premier League.
Labada kooxood ayaa ku dagaalami doona midka noqon doona kooxda ugu fiican magaalada Manchester marka ay isaga hor iman doonaan Old Trafford Axada.
Kooxaha reer Manchester ayaa ku hubaysan xiddigo cajiib ah kana mid ah kuwa ugu fiican premier League.
Shabakada The Sun ayaa soo saartay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood ka hor kulankooda Adag ee Axada.
Kooxda Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 9 xiddig halka ay Man United shaxda ku leedahay kaliya 2 xiddig.