Shaxda Ay Arsenal Kaga Hor Tagi Karto Sevilla Xilli Kooxdu Wajahayso Masiibooyin Dhaawac.
Kooxda Arsenal ayaa kulan muhiim ah la ciyaaraysa kooxda Sevilla kulan ka tirsan Champions League.
Arsenal ayaa wajahaysa Sevilla iyaga oo la dhibaatoonaya dhaawacyo xilli ay xiddigo badan dhaawac uga maqan yihiin.
Gunners ayaa u gudbi karta wareega 16-ka hadii ay ka badiso kooxda Sevilla kulankan.
Arsenal waxa ka maqnaan kara ugu yaraan 6 xiddig oo muhiim ah kana mid yahay Martin Odegaard.
Sidoo kale Eddie Nketiah, Gabriel Jesus kuwaas oo ku dhibaatoonaya dhaawacyo kala duwan.