Saxiixyadii ugu faa’iidada badnaa Premier League ee suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay ayaa lasoo bandhigay.
Saxiixyada cusub ayaa inta badan ah kuwo aan la ogayn waxa ay noqon doonaan marka la eego in ay imanayaan koox cusub.
Si kasta ha ahaatee Punter’Pub ayaa soo saartay saxiixyada ugu fiican ee ay kooxohoodu ka faa’iideen 11-kii kulan ee la ciyaaray ilaa haatan xilli ciyaareedka.
Waxaa kasoo muuqday xidigihii hore ee Chelsea iyo Manchester United, liiskaan waxaa ku jira magacyo badan oo caan ah.
Kaalinta 10-aad waxa ku jira xiddigii hore ee Man United Anthony Elanga kaas oo qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Nottingham Forest.
Halkan kaga bogo xiddigaha si weyn saamaynta ugu yeeshay horyaalka premier League kadib markii ay kooxohooda ku biireen suuqii xagaaga.