Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Manchester United ee Jadon Sancho ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu January ku laabto Borussia Dortmund.
23-sano jirkaan ayaa laga ganaaxay kooxda koowaad ee Man United ka dib markii ay isku dhaceen tababaraha Kooxda ee Erik Ten Hag.
Ten Hag ayaa xiddiga ka saaray kooxdiisa guuldaradii United ka soo gaadhay Arsenal bishii Septmber sabab la xidhiidha tababarkiisa oo aan fiicnayn.
Taas ayaa keentay in uu xiddigu tababaraha ugu jawaabo baraha bulshada taas oo ka xanaajisay tababaraha.
Man United ayaa xaqiijisay in uu xiddigu tababarka qaadan doono kaligiis ilaa inta uu raali galinayo tababaraha kooxda.
Sida laga soo xigtay 90min, Sancho ayaa u sheegay maamulka Man United in uu doonayo in uu ku laabto kooxda Dortmund oo uu ku qaatay 4 sano ka hor intii una ku soo biirin United sanadkii 2021.