Roberto Firmino oo haatan ah weerar yahanka kooxda Al-Ahly ee Saudi Arabia horena u ahaan jiray ciyaartoygii Liverpool ayaa shaaca ka qaaday farqiga u dhexeeya saaxiibadiisii hore ee Mohamed Salah iyo Sadio Mane ee Liverpool.
Firmino oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”“Waxaan kasoo muuqday ciyaartii caanka ahayd ee Burnley ee horyaalka Ingiriiska (2019-2020), laakiin waxaa jiray dhibaatooyin aan la shaacin ka hor”.
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaa jirtay xaalad caro ah oo qabsaday Mane, ma jirto cid si degdeg ah u dejisay markii la bedelay, inkastoo aan ku badinay 3-0, taasoo qof walba murugo galisay”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Cadhada Sadio Mane kaliya ma ahayn badalka lagu sameeyay, laakiin waxa sabab u ahaa Mohamed Salah oo aan kubbada u dhaafin kulanka inkasta oo uu boos banaan ka joogo si uu goolal u dhaliyo”.
Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxa uu Mane ka sheegay kursiga kaydka ma ahayn wax fiican inkasta oo ayna luuqadayda Enlish-ku fiicnayn”.
Wuxuu kusoo gaba gabeeyay:”Dhamaadka ciyaarta kadib jawigu wuxuu ahaa mid aad u kacsan, gudaha qolka lebiska, qofna kuma faraxsanayn inkastoo guusha aan gaadhnay, laakiin wax la yaab iguma aheyn, sababtoo ah si fiican ayaan u aqaannaa, sababtoo ah waxaan ahaa isku xirka. labadooda ee garoonka dhexdiisa”.