Robert Lewandowski ayaa soo jeediyay inuu diyaar u yahay inuu ka soo laabto dhaawac canqowga ah kulanka ay Barcelona la ciyaari doonto Real Madrid dhamaadka bishaan.
Xiddiga Poland ayaa dhaawac ku maqnaa tan iyo markii uu ku dhaawacmay kulankii Champions League ee Porto ee 4-tii October.
Lewandowski ayaa intaas kadib seegay kulankii Granada ee La Liga todobaadkii hore, waxaana markii hore la filayay inuu garoomada ka maqnaan karo ilaa bartamaha November.
Si kastaba ha ahaatee, 35-sano jirkaan ayaa u muuqda mid horumar weyn ka sameeyay soo kabsashadiisa, iyadoo warar kala duwan ay soo baxayeen maalmihii ugu dambeeyay ay sheegayaan inuu qarka u saaran yahay inuu ku soo laabto El Clasico 28-ka October.
Lewandowski ayaa haatan bixiyay warbixin ku saabsan soo kabsashadiisa laakiin waxa uu ku adkaystay in uuna garoomada ku soo laaban doonin ilaa uu 100% ka soo kabsado dhaawaca.
“Laga bilaabo Arbacada ilaa Jimcaha waan nastay. Waxaan daryeelaa lugteyda, 7-10 maalmood. Tani waa waqtiga ugu muhiimsan ee canqowga si uu u nasto,” ayuu u sheegay WP Sportowe Fakty.
“Wax badan ayaa laga odhan doonaa todobaadka dambe laakiin waxa aan ku jiraa xaalad fiican ma jirto wakhti go’an oo aan soo laaban doono laakiin waxa ay ku xidhnaan doontaa sida aan uga fal celiyo tababarka”.